Al-Shabaab oo xukun dil toogasho ah ku fulisay 6 qof + sababta

0

MUQDISHO (SMN) – Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay xukun dil ah ku fulisay 6 nin oo lagu eedeeyay in ay basaasiin u ahaayeen Mareykanka.

Falkan ayaa la sheegay in uu Khamiistii ka dhacay fagaare ku yaalla magaalada Saakow.

Laba kamid ah shaqsiyaadkan ayaa lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen dilkii Maxamed Cabdinuur Marwazi iyo Cabdulqaadir Kumaandoos oo ahaa horjoogeyaal uu Mareykanka ku kala khaarijiyey 2019 iyo 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here