AMISOM oo billowday baaritaan la xiriira dhacdadii Shabeelaha Hoose

0

Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaa war cusub ka soo saaray dhacdadii gobolka Shabeelaha Hoose ee lagu laayey dadkii shacabka ahaa, taas oo lagu eedeeyey askarteeda.

AMISOM ayaa shaaca ka qaaday inay haatan billowday baaritaan ku aadan falkaasi, kadib markii ehellada dadka la laayey ay sheegeen in aan la’aasi doonin meydadka, illaa inta ay cadaalad ka helayaan.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inay soo gaareen wararka sheegaya in dad rayid ahaa lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose, kadib dagaal dhex-maray ciidamadeeda iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ugu dambeyn AMISOM waxa ay sheegtay in guddi gaar ah ay u xil-saartay baaritaanka dhacdadan, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan natiijooyinka rasmiga ah ee ka soo baxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here