AMISOM oo ciidamo gaar ah u diyaarisay amniga doorashooyinka

0

Taliyaha booliska AMISOM Augustine Magnus ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo suga amaanka goobaha doorashooyinka Soomaaliya oo Khamiistii ka billowday Kismaayo.

AMISOM waxay sheegtay inay u diyaar garowday ilaalinta amaanka goobaha doorashooyinka Baarlamaanka lagu qabanayo, waxayna u xil-saartay Ciidan boolis ah oo la shaqeyn doono kuwa Soomaalida.

Howlgalka Midowga Afrika waxuu xusay in tani ay qeyb ka qatay waajibaadkooda amniga iyo xalisoonida dalka Soomaaliya oo mudo ka badan 13 sano ay ka howlgalayeen.

Xukuumada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa gudi amni u sameysay ilaalinta meelaha lagu qabanayo doorashooyinka dalka, iyadoo AMISOM qeyb qeyb ka tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here