AMISOM oo dayactir ku sameysay garoonka diyaaradaha ee Jowhar + Sawirro

0

Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhameystirey dayactirka dhabaha diyaaradaha ee garoonka Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar.

Dharer 3km iyo balac 30 mitir ayay dib u habeyn ku sameeyeen kaas iminka ah mid heer caalami ah.

Dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere ayaa suurtagelinaya in diyaaradaha waa weyn ka degi karaan garoonka, waxayna kordhinaysaa dhaqaalaha gobolka iyo isu socodka.

Diyaaradaha nooca Antonov C-130 oo qaada xamuul gaaraya 20 ton ayaa isticmaali kara hadda garoonka magaalada Jowhar, sida ay sheegeen khubadaha garoomaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here