AMISOM oo deeq gaarsiisay qoysas ku sugan magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa deeq kaalmo ah oo isugu jirtay raashin iyo agab kale gaarsiisay qoysas ku nool xaafado ku dhow xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Agabkaan oo ay ka mid yihiin Bustayaal, Baaldiyo, Jeerikaanno, Maro-kaneecooyin, Bariis, Sonkor, iyo Saliid iyo Agab kale, ayaa waxaa Qoysaskaasi ku wareejiyay Madaxa Qeybta Xiriirinta Gargaarka Bani’aadantinimo ee AMISOM, Cabdul Diabagate iyo madax ka socotay Iskaashatada Ciidamada Rayidka iyo Militariga ee AMISOM.

Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM, Diabagate ayaa sheegay in deeqdaan ay ugu talagaleen in lagu yareeyo baahiyaha degdegga ah ee ay qabaan qoysaska ku nool aagagga xerada ciidamada.

Anigoo ku hadlaya magaca AMISOM, waxaan rajeynayaa inaan ilaalino oo aan ka wada shaqeyno si aan u hubinno inaan dhammaanteen dagaal adag u galno sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya,” ayuu yiri Diabagate.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here