AMISOM oo maxkamad saareyo askar dil u geysatay dad shacab ah

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u saareen dilka dadka rayidka ah oo dhacay 10-kii Bishii Agoosto ee sanadkaan lagu ogaaday in todobo qof oo Shacab ah la dilay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale AMISOM waxaa ay sheegtay in Guddiga oo ka koobnaa lix qof , oo uu hoggaaminayey wakiil ka socday Xarunta Wayn ee Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa iyada oo ay xubnaha ka mid ahaayeen wakillo ka kala socdey AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ay xaqijiyeen, in maalintii dhacdadu dhacday, ay ciidanka AMISOM ay dhab ahaan ku wajaheen dagaalyahannada Al-Shabaab goobta uu shilku ka dhacay, iyada oo ay xigtay is rasaasayn, isla markaana Dagaalka ay ku dhinteen hal askari oo AMISOM ah, mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

“Sidaa darteed, AMISOM waxa ay qaadanaysaa mas’uuliyad buuxda ee falkan xun ee ciidankeeda, waxayna la xisaabtami doontaa ciidankii falka geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego, sida ay ku taliyeen Guddiga Baarista, iyada oo la raacayo hannaanka saxda ah, ayey Dowladda Jamhuuriyadda Uganda, Dal ka mid ah kuwa Ciidankan Ku tabarrucay ahaan, ayna ka soo jeedaan cidanka falka geystay, waxay sameysay Maxkamad Ciidan si loo maxkamadeeyo ciidanka gefka geystay.

Maxkamadda Ciidanku waxa ay ka fariisan doontaa oo ay dacwadda ku qaadi doontaa gudaha Soomaaliya ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale waxaa AMISOM ay sheegtay” Waxaa la saadaalinayaa in, iyada oo la raacayo waajibaadkeeda ku xusan Heshiiskii Isfahamka ee ay la saxiixdeen Midowga Afrika, in Dawladda Uganda ay la xiriiri doonto qoysaska murugaysan si ay ugala hadlaan sidii loo magdhabi lahaa dadkii la dilay.

Dhankeeda, AMISOM ayaa dabagal ku samayn doonta arrintan ilaa dhammaadkeeda.

Ugu dambeyn AMISOM ayaa sheegtay si qoto dheer uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo ilaalinta dadka deegaanka oo qayb ka ah waajibaadkeeda asaasiga ah. Sidaas awgeedna  hoggaanka Hawlgalku uu sii wadi doono inuu hubiyo u hoggaansanaanta adag ee waajibaadkiisa sida waafaqsan Sharciga Bani’aadamnimada Caalamiga ah (IHL), sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Hawlgelinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here