Taliska AMISOM oo qirtay inay shacab ahaayeen dadkii ay ku leysay Sh/Hoose

0

Hawlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM ayaa sheegay in baaritaan hordhac ah oo ay sameeyeen lagu ogaaday in toddobo qof oo dhawaan ay ciidamadoodu ku dileen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ahaayeen dad rayid ah oo aysan ahayn xubno ka tirsan Al-Shabaab sidii AMISOM ay horey u shaacisay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in dhacdadaasi la baarayo isla markaana askartii geysatay dilka lala xisaabtami doono.

Ehelada dadkan la laayay ayaa indhawaaleba diidanaa in la aaso meydadkooda ilaa iyo inta AMISOM ay ka qiraneyso dilka eheladooda.

AMISOM waxa ay sheegtay in baareyso wararka sheegaya in ciidamadoodu ay lahaayeen mas’uuliyadda dilka toddobadaasi qof ee rayidka ahi ee lagu dilay deegaanka Golweyn.

Sidoo kale waxay sheegtay in tan iyo markii ay arrintaasi dhacday, hoggaanka AMISOM uu la kulmay cuqaal, xubno ka tirsan bulshada iyo mas’uuliyiinta dowladda, kuwaa oo sida ay sheegaty ay u caddeeyeen in aan marnaba la aqbali karin falal dambiyeedyada ay ciidamadu u geystaan dadka rayidka ah.

AMISOM waxa ay intaasi ku dartay in baaritaanka iyo dabagalka dhacdadaasi loo saaray guddi baaritaan oo ka kooban toddobo xubnood oo durbaba billaabay baaritaankooga.

Baaritaankaasi ayaa waxaa sida ku cad war-saxaafadeedka AMISOM horkacaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsan guddiga Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Addis Ababa.

Waxaa sidoo kale guddigaasi baaritaan xubin ka ah sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex sarkaal oo sar-sare oo ka kala tirsan milatariga, booliska iyo xarunta hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

AMISOM waxay sheegtay in si toos ah ay ula shaqeynayso dowladda Soomaaliya iyo qoysaskii dadkooga la laayay, iyadoo baaritaanka la soo afjari doono 6-da bisha Sebteembar ee sanadkan, la shaacin doono magacyada askartii dilkaasi geysatay isla markaana la ciqaabi doono – waa haddii baaritaanka haatan billaabayana lagu xaqiijiyo in ay dilkaasi geysteen.

Guddiga baaritaanka sameynaya ayay AMISOM sheegaty in uu eegi doono sida ciidamada AMISOM ay ugu lug yeesheen dilka toddobadan qof ee rayidka ah iyo xaaladda keentay dilkooga.

Guddigu wuxuu sidoo kale soo jeedin doonaa in magdhow la siiyo qoysaska dadka laga laayay – waa haddii ay caddaato in ciidamada AMISOM ay dilkaasi geysteen iyo sidii mustaqbalka aysan arrintan oo kale u dhici lahayn.

War-saxaafadeedka AMISOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Uganda ay madaxda hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, u xaqiijisay in maxkamad milatari gudaha Soomaaliya lagu saari doono askarta ay ku caddaato in ay dilkaasi geysteen.

AMISOM waxay sheegtay in ay u hoggaansami doonto natiijada baaritaanka haatan billaabanaya isla markaana lala xisaabtami doono askarta ay ku caddaato dilka dadkaasi rayidka ah.

11-kii bishan ayaa AMISOM waxay sheegtay “in ay soo gaareen warar sheegaya in Golweyn ay ku dhinteen dad rayid ah kaddib markii ciidamo ka socday AMISON lagu weeraray inta u dhaxeysa Beled-Aamiin iyo Golweyn.”

10-kii bishan ayay ahayd markii kolonyo ciidamada Uganda ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn ay waddada u galeen dabley ka tirsan Al-Shabaab, halkaasina uu dagaal culus ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here