AMISOM oo tababar usoo xirtay saraakiil ka tirsan Xoogga dalka

0

Saraakiisha Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa loo soo gabagabeeyay tababar wada-jir ah oo soconayay muddo shan maalmood ah kaasoo kor loogu qaado aqoontooda ku aaddan doorka Iskaashiga Rayidka iyo Milatariga, ee howlaha taageerada nabadda.

Tababarka oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Dhexe ee Ciidamada AMISOM oo lala kaashanayo UK ayaa waxaa ka soo qeybgalay saraakiisha Ciidanka dowlada qeybaha milatariga iyo booliska AMISOM.

Tababarka ayaa looga dan lahaa in kaqeybgalayaasha lagu baro xirfado la xiriira sida loo kasbado quluubta iyo maskaxda bulshada ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada Xooga iyo AMISOM.

Taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ee u qaabilsan howlgalada iyo qorshooyinka Gen. William, ayaa xusay in tababarka uu awood u siinayo AMISOM iyo Ciidanka Dowlada in ay xiriir wanaagsan la yeeshaan bulshada goobaha ay ka howlgalaan.

Intii tababarku socday, saraakiisha waxaa sidoo kale la baray Sharciga Caalamiga ee Bani’aadamnimada, ilaalinta xaquuqda carruurta iyo dadka rayidka ah iyo mowduucyo kale oo ku saabsan nabadeynta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here