Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay + sababta

0

Baydhabo (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi, halkaas oo la dhigay ciidamo dheeraad.

Hay’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaaladaas oo la filayo in uu ka dhaco shirka dib u heshiisiinta maamulkaas.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasim gaar ahaan muranka ka taagan doorashooyinka.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirka ayaa haatan ka socota Baydhabo, waxaana ku sugan xubnaha guddiga farsamada ee uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xaaladda Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay kacsaneyd, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo ka amar qaata xubnaha mucaaradka iyo kuwa ammaanka ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here