Antonio Guterres oo farriin u diray Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya

0

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya shalay ku ansixiyee in dib loogu laabto heshiiskii 17 September.

“Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka uu ku ansixiyay ku laabashada Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember.” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ayaa sheegay inuu Antonio Guterres ugu baaqay dhamaan Saamilayda Siyaasadda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan wada xaajoodyada iyo isla markaana ay heshiis is afgarad ah ka gaaraan qabsoomida doorashooyin loo dhan yahay oo aan dib u dhac dambe ku imaan.

Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay is afgarad sal ballaaran oo loo gaaro xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here