Aqriso: Golaha wasiirada maamulka Puntland oo ansixiyey xeer cusub

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada  Puntland.

Shirka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa toddobaadkan looga hadlay amniga, ansixinta Siyaasadda Biyaha Puntland, ansixinta wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Xeerka Caanaha, dib-u-habeynta iyo dayactirka Waddooyinka Puntland iyo xaaladda degmooyinka Puntland.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer kadib ansixiyey Siyaasadda Biyaha Puntland iyo wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay xeerka Caanaha Puntland oo ay mudaneyaashu soo akhrin doonaan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay adeega dadweynaha loo hayo iyo sidii loo sii horumarin lahaa, wuxuuna Madaxweynuhu la wadaagay Golaha Wasiirada in la dhiirigeliyo ganacsatada yaryar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here