Aqriso: Habraaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya

0

Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta soo saaray habraaca doorashadda xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso:-

Soomaaliya Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban oday-dhaqamcedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.

2: Beel ama Jifo kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista ergada ku matalaya Saddex Oday dhaqameed oo jifadaas ama beeshaas ah iyo labo (2) wakiil oo ka socdabulshada rayidka ee beeshaas/Jifadaas, labada wakiil ee bulshada rayidkawaa in mid ka mid ah tahay haween.

Xullidda eragada Somaliland waxay noqonaysaa wadaag.

Ergada wax dooranaysaa waa inay matalaan dhammaan jilibyada ay ka kooban tahay jifada ama beesha kursiga iska leh.

Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Xulitaanka Ergada (GXE) kama tirsanaan karto guddi xulis ergo kursi kale.

Kursi kasta ee ka mid ah 275 kursi wuxuu lahaanayaa guddi shan xubnoodah oo soo xula ergo (101).

Xubin ka tirsan Guddiga Xulista Ergo ma noqon karo guddi xulista ergo kale ama murashax doorashada u tartarma.

Guddiga Xulista Ergada wuxuu u soo xulayaa ergada doorshada si wadar ogol ah.

Bulshada Rayidka waa Guddiga Xulista Ergada kursi waliba waxaa uu yeelanayaa labo (2) xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah.

Labada (2) xubnood ee bulshada rayidka matala waa in xubin kamid ah haween noqoto.

Bulshada Rayidka, waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ganacsatada, macalimiinta, takhaatiirta, dadka gargaarka ka shaqeeya iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ce ka soo jeeda beesha ama jifada kursiga iska leh.

Habraaca guddiga xulista ergada:

Xubanaha soo xulaya ergada waa shan (5) xubnood, waxayna ku imanayaan:

Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga ayaa soo xulaya shanta xubnood, isagoo la tashanaya Nabadoonnada Caaqillada.

Shanta Xubnood waxay soo xulayaan ergada (101) boqol iyo kowda qof ah, ayagoo la tashanaaya Nabadoonmnada, Samadoonnada iyo wax garadka beesha ama jifada wadaagta kursiga.

Shaxda Xulista Ergada

Soo Xulista Ergada

Maalmaha

Hanaanka

Xulista Guddiyada Soo Xulaya Ergooyinka.

10

Maalmood

.Diyaarinta lisaska Guddiyada Soo Xulista

Ergada. Kursi walba waxaa soo xulaya shan qof.

Xaqijinta liisaska Guddiga soo Xulista Ergada si

waafaqsan Xeerka Odayaasha Dhaqanka,

Bulshada Rayidka iyo Ergada ee Hufnaanta

Doorashada

4 Maalmood

Tababarista Guddiyada Xulista Ergooyinka.

Diyaarinta Jadwalka Tababarada

Diyaarinta Agabka Tababarada

Diyaarinta Casharada Tababarada

Bixinta Tababarada

Soo gudbinta lisaska Ergada Doorashooyinka.

6 maalmood

Soo gudbinta liisaska ergo-doorashooyinka si

waafaqsan habraaca Golaha Wadatashiga

Qaranka

6 Maalmood

Xaqijinta, Diiwaan-gelinta iyo shaacinta ergooyinka

liisaska kama dambeysta ah.

Xaqüjinta liisaska ergada doorashada si

waafaqsan habraaca Golaha Wadatashiga

Qaranka

Kursi kasta oo ka mid ah 275  kursi ee Golaha Shacabka waxa dooranaya 101 ergo, iyadoo la hubinayo in qaybaha kala duwan ee bulshada ay u dhanyihiin. Guud ahaan tirada ergada ka qayb-qaadaneysa doorashada xubnaha Golaha Shacabka 2020/2021 Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa 27,775 ergey. iyadoo kuraasta Somaliland ay yihiin ergo wadaag.

Xogta iyo War-galinta Beelaha.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay ku war-galiyaan duubabka dhaqanka inay soo xulaan guddiga xulista ergooyinka.

Waxaana la siinayaa:

Foomka Guddiga Soo Xulista ergada, si ay u buuxiyaan una saxiixaan Kadib marka ay duubabku soo gudbiyaan liiska guddiga soo xulista ergada, waxaa guddiga xulista la siinayaa:

Qoraal tilmaamaya shuruudaha ergada laga rabo

Foomka Liska Ergooyinka

Guddiga Xulista Ergooyinka waxay soo gudbinayaan liiska ergada kursi kasta ee loo qoondeeyay beeshaljifada, iyagoo adeegsanaya foomka diiwaangalinta ergada oo ay soo wada saxiixcen guddiga xulista ergada kursigaas, kaasoo caddeynaya qoondada haweenka, qaybaha bulshada ee ka qayb noqonaya ergada.

Guddiga Maamulaya doorashada heer Maamul goboleed ayaa ka qaadaya laba sawir oo teesare ah xubin kasta oo ergada ka mid ah.

Shuruudaha Ergayga:

Xulashada qofka ka mid noqonaya ergada-doorashada waxaa saldhig u noqonaya

shuruudahan soo socda:

  1. In uu yahay Soomaali, kana tirsanyahay beeshajifada kursiga iska leh
  2. In da ‘disu aanay ka yareyn 18 sano
  3. In miyirkiisu dhanyahay, awoodna u leeyahay in uu codeyn karo.
  4. In uu fahamsanyahay masuuliyadda doorashada.
  5. in uusan ahayn musharrax u taagan labada aqal midkoodna.
  6. Inaysan maxkamadi ku ridin xukun ciqaabeed kama dambeys ah shantii sano

ee ugu dambeysay, kaas oo lagu mutaysanayo xabsi.

  1. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada
  2. In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Matalaadda Bulshada:

Ergada u codeyneysa kursi walba waa in ay ka koobnaataa qaybaha kala duwan ee bulshada

beesha ama jifada kursiga leh, sida haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, culuma’udiinka

iwm

a Haweenku waa in ay ka koobnaadaan ugu yaraan 30% wadarta Ergada (31 ergay).

Dhallinyaradu waa in ay noqdaan ugu yaraan 20% ce wadarta guud ee ergooyinka

(20 ergay).

Ergada inteeda kale waxay noqonayaan quybaha kala duwan ee bulshada.

Deegaannada Ergada Laga Diiwaan-galinayo.

Foomka diiwan-galinta ergada waa inay ka muuqataa magaca dawlad goboleedka, magaalada doorashadu ka dhacayso, lambarka kursiga, qabilka, magaca oo afaran, magaca hooyada oo seddaxan, taariikhda dhalashada, goobta dhalashada iyo teleefanka ergayga Sidoo kale waa in uu ku qoran yahay magacyada, saxiixa, taariikhda, Guddiga Xulista Ergada iyo magacyada, taariikhda, waana in ay ka muuqataa saxiixyada GMDHDX iyo GHDHF

Hubinta iyo Xaqijinta Ergada

Marka liisaska ergada ay soo dhamaystiraan guddiga xulidda ergada, waxaa ka dib loo gudbinayaa guddiga maamulaya doorashada heer maamul goboleed (GMDHDX), waa in la hubiyaa, si loo ogaado in isku dheelitirnaan sax ah lagu saleeyay beesha ama jifada kursiga wada leh. Haddii hubintu ay muujiso in ergada aysan soo buuxin shuruudaha erganimada ama heerarka matalaadda ay qaldan yihiin hannaankan soo socda ayaa la marsinayaa.

Haddii liiska la soo gudbiyey uusan waafaqsaneyn shuruudaha soo xulista ergada., GMDHDX wuxuu ku wargalinayaa Guddiga xulista ergada ee kursiga la dooranayo inay dib-u eegis ku soo sameeyaan 3 maalmood gudohood, Guddiga Xulista ergada waxay liiska u gudbinayaan guddiga GMDHDX, guddigu wuxuu dib-u-cegayaa oo xaqijinayaa liisas-ka kahor inta uusan u gudbin GHDHF, si uu u hubiyo adeegsiga saxda ah ee shuruudaha ka mid noqoshada ergada Haddii Beel/lifo ay diido in ay u soo gudbiso magacyada si waafaqsan shuruudaha xulidda ergada loo cayimay, guddiyada GMDHDX iyo GHDHF waa in ay xalliyaan khilaafka soo xulidda ergada. Doorashada kursiga ergadisa aan la soo gudbin ama aysan sax ahayn ma dhacayso doorashadiisu inta laga gaarayo xal sax ah oo kama dambays ah.

Ka mid ahaanshaha Ergada:

Haddii qof ergay ah uu xubinnimada baneeyo, xaalad deg deg ah awgeed, sida dhismasho, jirro ama dano shaqsi, waxaa badeli kara Guddiga Xulista Ergada, iyagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer dawlad goboleed muddo laba maalmood, ka dibna waxaa hubinaya GHDHF.

Aqoonsiga Ergayga (ID Card)

Maalinta codeynta, ergada doorashooyinka waxay tagayaan xarunta cod-bixinta, si loo siyo aqoonsiga codbixiyaha. Guddiga Xulista Ergada kursigaas la dooranayo ayaa xaqijinaya ergada codeynaysa inay tahay ergadii saxda ahayd.

Shaqaalaha GMDHDX waxay siinayaan aqoonsiga cod-bixiyaha ergay kasta, kaas oo magacisa ku jiro liiska la xaqijiyay ee ergada wax dooranaysa.

Kooramka: Si beel/jifo loogu qabato doorasho kursi, ugu yaraan waa in ay soo xaadiraan 80% ergada doorashada oo u dhiganto sideetan iyo kow (81) ergo, haddii kooramka aanan la buuxin lama qabanayo wax doorasho ah ilaa kooramka kursigaas uu dhameystirmo.

Ergay kasta wuxuu soo bandhigayaa aqoosiga cod-bixiyaha ee la siiyay, mana codeyn karo aqoonsiga cod-bixiyaha la’aantiis. Kursi kasta waxaa guddiga GMDHDX uu soo saarayaa 101 aqoonsi cod-bixiye ah oo kaliya

Kuraasta Somaliland waxay noqonayaan ergo wadaag. Halkii ergo ee ah 101 waxay dooran karaan 1 ilaa 5 kursi.

CUTUBKA 2AAD

DIIWAAN-GALINTA MUSHARIXINTA

Waqtiga iyo Hannaanka

Hannaanka

Muddada

Tababaridda

Shaqaalaha

Diiwaangelita

3 maalmood

Musharraxa

12 Maalmood

Diiwaan-galinta Musharixiinta Golaha Shacabka

iyo Aqoonsi-siintooda:

Bilabidda Diwangalinta Musharisvinta

Golaha Shacabka

Daabicidda dhammaan foomamka iyo

Shahaadada

Musharaxnimada Golaha Shacabka

Ujeeddada hannaanka diiwan-gelinta musharaxa waa in fursad loo siiyo muwaadiniinta doonaya inay tartamaan, lagana hubiyo oo keliya inay buuxiyeen shuruudihii musharaxnimada. Hanaanka diwan-galinta murashaxa wuxuu soconayaa 12 maalmood.

Nidaamka & Goobaha Diiwan-gelinta Musharisnta.

Musharraxu wuxuu iska diiwaan-gelinayaa deegaan doorashada uu yaalo kursiga uu u tartamayo, asagoo buuxinaya shunuudaha hoos ku qoran ee Musharixiinta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Goobaha Diwan-gelinta Musharixinta.

1.Garoowe

Puntland

2.Bosasao

1.Samareeb

Galmudug

2 Gaalkacyo

HirShabelle

1.Jowhar

2.Baledweyne

.Baydhabo

Koonfur Galbeed

2.Baraawe

1.Kismaayo

Jubaland

2 Garbahaare

1.Muqdisho

Somaliland

iyo

Banaadir

Shuruudaha Musharixiinta

  1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
  2. Dhimirkiisu u dhan yahay
  3. Da’diisu ka wayn tahay 25 sano
  4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay
  5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiirir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
  7. In uu haysto warqadda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
  8. Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii

ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex 3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelintamusharaxiinta.

9.Musharax kasta oo u tartamaya Golaha Shacabka waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

  1. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka waxay noqonaysa

SI0,000, (Toban Kun oo dollar) oo ragga ah iyo $5,000. (shan Kun oo dollar) oo dumarka ah.

  1. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma soo celinayo.

Qoondada Haweenka

Xildhibaanada Golaha Shacabku waa in ay noqdaan ugu yaraan 30% haween, taasoo xaqijinteeda xil ka saranyahay gudiyada doorashooyinka GMDHDX iyo GHDHF, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Maamul Goboleedka.

Beel/Jifo kasta oo seddax kursi leh mid ka mid ah waa in loo asteeyo in ay kutartamaan haween kaliya.

Haddii beeshaasi ay astayn weydo kursi ay ku tartamaan haweenka, waxaa astaynaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka (GMDHDX) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF), ayagoo kaashanaya Dowlad Goboleedka uu kursigu yaallo Kuraasta kale ee dhiman way u furan yihiin inay ku tartamaan haweenku.

Ka Noqoshada Murashaxnimada.

Murashax kasta wuu ka bixi karaa tartanka wakhti kasta, ka hor inta aan la daabicin liiska murashaxnimada ee kama dambeysta ah, isaga oo buuxinaya Foomka Ogeysinta Dib-uga- noqoshada Murashaxnimada. Haddii murashax uu dhinto kadib diiwangalinta murashaxa, balse wali aysan doorashadu dhicin waxaa xaqijinaya GMDHDX, waxaana dib loo furayaa diiwaan gelinta murashaxnimada haddii uu hal murashax ku soo haro tartanka kursigaas.

Ugu dambeyn xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa dhankiisa soo saaray lacaga laga doonayo musharixiinta Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo sida ay ku bixinayaan.

Xafiska Xisabiyaha Buud ee Dawladda

The Federal Republic of Samalia

Office of the Accountant Genera

Date: 1&07/2021

REF: XNGs5/2021

Muqdinhe

Ku: Xoghayaha Joggtada ah ee Xafiska Ra’iisul Wasaraha

Megdisho

Og: Hantidhawrka Guud e Qaranka

Og Wasaaradda Maaliyadda

Mugdisho

Licedde: Xisaabaadka Guddiga Doorashooyinka

Waxan halkaan idinkugu soo gudbinayaa xisaabadka Guadliga Doorasbooyinka e kaga furan Bangiyada gaar ka ah: (Private Banks) sida shaxda hoos ku xusan:

Xisaab Numbarka

Magaca Xisaabta

Ne. Magaca Bangiga

Howlaha Doorashooyinka 34053499

1Salam Bank

2 Dahabshil Bank Howlaha Doorashooyinka 104113673

Sidas daraadeed waxaa idinka rajaynaynaa inaad sidas ula socotaan

Wada Shaqgeyn wacan

Fatuma Osman Farah Xisaabiyaha Guud Fe Dawladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here