Aqriso: Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya oo digniin culus soo saartay

0

MUQDISHO (SMN)Hay’adda Nabad-suggidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa digniin cusub soo saartay, kadib markii howlgal ay sameysay ay ku qabatay 10 qof oo ay sheegtay inay la macaamilayeen Al-shabaab, sida ay kusoo sheegtay qoraal goor dhaweyd hay’adda kasoo baxay.

“Waxaa la qab-qabtay ku dhawaad 10 qof oo si yaabo kala duwan u la macaamilayay argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga rasmiga ah ee Twitterka ee hay’adda, kaas oo intaas ku daray;

“Hadda kadib waxaa tallaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadayaa cid waliba oo u tagta, adeecda, u adeegta ama u fududeysa hawlaha ay ku dhibaateynayaan amniga iyo badqabka shacabka.”

Toddobaadkii hore ayay sidoo kale howlgal ay NISA sameysay kusoo qabatay 10 ka tirsan Al-shabaab, hub iyo rasaas ay wateen kuwaas oo laga qabay saddex guri oo kala duwan oo ay daganaayeen, iyada oo sheegtay ‘inay fashilisay howlgal ay damacsanaayeen inay fuliyaan’, kaas oo ay ka war heshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here