Aqriso: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabis sameeyey

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in markii uu Madaxweynaha dhageystay talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, isla markaana uu tixgeliyay aqoonta uu u leeyahay howshan, waxa uu Mudane Cumar Daa’uud Khaliif u magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa faray mudanaha la magacaabay inuu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here