Aqriso: Madaxweynaha maamulka Puntland oo magacaabis sameeyey

0

GAROOWE (SMN) –  Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 81, 06-da December 2022, Kuna saabsan magacaabid labo xubno ka tirsan Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo waayo aragnimadooda Shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Garyaqaan Suleymaan Sheikh Cabdullaahi Maxamuud loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

2. Waxaa Garyaqaan Cabdiqani Mire Xirsi loo magacaabay xubin Guddiga sare ee maamulka Garsoorka.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here