Aqriso: Madaxweyne Muuse Biixi oo magacaabis sameeyey

0

HARGEYSA (SMN) -Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Wareegtooyin Madaxweyne Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ugu sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda Somaliland, waxaana wareegtada u qorneyd.

Markuu Arkay: Dastuurka  Somaliland, Qodobka 90aad;

Markuu Arkay:  Xeerka kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan, Xeer Lr. 71/2015, Qodobka 18aad;

Markuu  Arkay: Muhiimadda ay yagleelka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyigu u leedahay Dhismaha Xukuumadda uu go’aamiyay Madaxweynaha Somaliland  in Axmed Aadan Jaamac Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland.

Sidoo kale Madxweynaha Soomaliland Muuse Biixi ayaa Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool u bedelay in laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Gabiley ee Somaliland, halka Guddoomiyihii Gobolka Gibiley Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sool ee ee Somaliland.

Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland  Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar , waxaana tallaabadaan ay kusoo aadeysaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay uu Madaxweynaha Somaliland sameeynayay xilka qaadis & magacaabis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here