Aqriso: Qodobada kasoo baxay Madasha 5-aad ee siyaasadda dhaqaalaha Qaranka

0

WARSAXAAFADEED: Qodobbada ugu waaweyn ee ka soo baxay Madasha 5-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ee ku saabsan Istiraatijiyada Isbeddelka iyo Kobaca Dhaqaalaha  (GETS):

21 ka Juun, 2022

  1. Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya (NEC) ayaa 20-kii iyo 21-kii Juun 2022 shirkii shanaad ee Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo heerkiisu sarreeyo ku qabtay magaalada Muqdisho. Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ee sanadkan ayaa diiradda lagu saaray “Istaraatijiyadda sbeddelka iyo Kobaca Dhaqaalaha (GETS)”, oo ah istaraatijiyad leh himilo ku saleysan hiigsiga cusub ee Soomaaliya, iyadoo yoolku yahay in dib loo dhiso dal amni ah, xasilloon oo dimoqraadi ah, iyo in la gaaro wadci qaran oo dakhli dhexe sanadka 2050.

 

  1. Intii lagu gudajiray madasha labada maalmood, waxa ay la-taliyayaasha NEC – (Golaha Dhaqaalaha Qaranka) – iyo khubarr0 qaybeedyo madaxabanaan soo bandhigeen daraasado  isu-geyn ka koobnaa laba iyo toban (12) oo la xiriiray Istaraatijiyadda Isbeddelka iyo Kobaca Dhaqaalaha – (GETS) – si ay uga doodaan siyaasad-dejiyeyaasha, khubarro mowduucyada, mas’uuliyiinta dawladda, cilmi-baarayaal iyo saamileyda qaran ee kale ee ay khusayso.

 

  1. Madasha 5-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ee Istiraatiijiyadda Isbedelka iyo Kobaca iyo Dhaqaalaha (GETS) ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Mahdi Maxamed Guuleed, oo ka dibna shir-gudoomiyay fadhigii ugu horreeyay ee Madasha. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo khudbad jeediyay ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la helo qorshayaal istaraatiijiyadeed oo qaran sida GETS oo looga faa’ideysan karo qaabeynta iyo dardargelinta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo soo kabashada muddada fog.

 

  1. Sidoo kale, Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cismaan, Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada oo sidoo kale ka qaybgalay furitaanka shir-weynaha ayaa guudmaray in loo baahan yahay doodo iyo wadaxaajoodyo dhaxalgal ah oo ku aaddan jiheynta dhaqaale ee dalka, isagoo dib u xaqiijiyay ka go’naanta dowladda cusub ee wax ka qabashada caqabadaha dalka ka jira, iyada oo hor-tebinta la siinayo hirgelinta siyaasado dhaqaale oo hagaagsan misna hufan.
  2. Madasha 5-aad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka oo ujeedadeedu tahay in lagu daboolo galdaloolooyinka aqoonta ee hadda jira si loo xoojiyo ku-dhaqanka siyaasadaha wax ku oolka ah iyo dib-u-habaynta saamaynta leh si wax looga qabto tiirarka muhiimka ah ee hoos yimaada GETS, gaar ahaan baahiyaha qaybaha wax soo saarka, yareynta khatarta musiibada ee sugnaan la’aanta cuntada iyo sare u qaadidda u adkeysiga isbeddelka cimilada, iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha badda

 

  1. Madasha waxaa ka soo qayb galay in ka badan 200 oo qof oo ay ku jiraan masuuliyiin sarsare oo ka kala socday XFS iyo DG, marti sharaf ka socotay bah-wadaagta horumarka, siyaasad dejiyayaasha, khubarro, wakiillo ka socday bahda waxbarashada, bulshada rayidka ah iyo qaybo kale oo muhiim ah ee saamileyda qaranka.
  2. Madasha Siyaasadda waxa ay shirkeeda diiradda ku saartay qodobbada soo socda oo ku salaysan daraasadaha Istaraatijiyadda Isbeddelka iyo Kobaca Dhaqaalaha – (GETS):

 

o Siyaasadaha Isbeddelka iyo Kobaca Dhaqaalaha

o Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Ganacsiga

o Horumarinta Hay’adaha iyo Abaabulka Khayraadka Gudaha

o Helitaanka Maaliyadda iyo Ka mid noqoshada Maaliyadda

o Beeraha, Sugnaanta Cuntada iyo Waaridda Deegaanka

o La-qabsiga Isbeddelka Cimilada iyo Dhisidda Adkeysiga Dadka o o Waaxyaha Bulsho – Waxbarashada iyo Caafimaadka loogu talagalay Haweenka iyo Dhallinyarada

o Dhaqaale Badeed waara ee Soomaaliya

  1. Qodobbada Waxqabad ee ugu Muhiimsan Madasha:
  • Madashu waxa ay ka doodday caqabadaha waaweyn ee hadda horyaalla waaxyaha dhaqaalaha iyo bulshada iyo sidoo kale shuruudaha horumarinta dhaqaale waara oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo isku xukunka sharciga, kuwaas oo dhamaantood ku xiran hoggaan karti leh oo u heellan dib u habeyn.

 

  • Madashu waxa ay carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in si degdeg ah loo dhamaystiro hannaanka deyn cafinta ee socda, kaasi oo shardi u ah in si hufan loo maareeyo siyaasadaha dhaqaalaha guud.

 

  • Madashu waxay carrabka ku adkeysay in si loo helo horumar loo dhan yahay iyo in la abuuro shaqaaleyn ku filan, gaar ahaan dhallinyarada, dalku waa inuu maalgashadaa ganacsigiisa yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs).

 

  • Horumarinta ganacsiyada waaxda wax soo saarka leh waxay u baahan yihiin kaabayaal dhaqaale oo ku filan sida waddooyinka iyo adeegyada iyo ilo maaliyadeed oo ku filan taas oo keenaysa horumarinta qaybta maaliyadeed si ay u bixiyaan maalgelinta maalgashiyada, yaryar iyo waaweyn labadaba.

 

  • Madashu waxa ay hoosta ka xariiqday in dalku u baahan yahay in hor-tebinta la siiyo sidii loo qoondayn lahaa kheyraad badan oo loogu talagalay adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada, iyo sidoo kale adeegyada guud ee bulshooyinka nugul.

 

  • Madashu waxa ay xustay in Soomaaliya uu ka maqan yahay maamul hufan oo karti leh si loo ciribtio musuqmaasuqa baahsan ee ka jira dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed. Sidaas darteed, si loo dhiso kalsoonida heerarka kala duwan ee dowladeed, loona xaqiijiyo maamul sax ah iyo abaabulka kheyraadka gudaha, Soomaaliya waxay u baahan tahay in la sameeyo maamul dakhli oo madaxbannaan oo iskiis isu maamula.

 

  • Marka si guud loo eego wax soo saarkeeda iyo tartankeeda soo ifbaxaya, waaxda tiknoolajiyada macluumaadka ee Soomaaliya waxay leedahay awood aad u badan. Sidaas darteed, Madashu waxay ku baaqaysaa qaadashada siyaasadaha khuseeya ee diiradda saaraya tiknoolajiyada macluumaadka iyo dhaqaalaha dhijitaalka ah, iyo sidoo kale ka faa’iidaysigeeda waxtarka leh ee dhammaan qaybaha dhaqaalaha.

 

  • Madashu waxa ay carrabka ku adkeysay in hannaan kobac sare ee Soomaaliya ee muddada dhexe iyo muddada fog uu ku xiran yahay waxqabadka qaybteeda beeraha, iyo in waxqabadyo muhiim ah oo kor u qaadaya ilaalinta deegaanka iyo adkeysiga dadka la hirgeliyo.

 

  • Madashu waxa ay xustay in mid ka mid ah Khataraha ugu daran ee hab-nololeedka dadweynaha uu yahay in wax laga qabto caqabadaha saamaynta cimilada iyo gaar ahaan hor-tebin siinta sugnaanta cuntada iyo dhisidda adkeysiga dadka.

 

  • Madashu waxa ay ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo horumarinta dhaqaalaha badda oo ay ku jiraan shidaalka iyo gaaska ay suurtagalka tahay in la soo saaro, kheyraadka badda iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo, iyadoo la hubinayo ilaalinta deegaanka.

 

  • Madashu waxa ay ugu baaqday dawladda in ay samayso maamul midaysan oo dawladeed oo loogu talagalay maamulka, qoondaynta iyo maamulka dakhliga shidaalka iyo gaaska, oo leh hal xisaab khasnadeed iyo sanduuq maalgashi oo cad si loo ilaaliyo loona sameeyo dakhli ku soo celinta qaabka sanduuqa hanti ee madaxbannaan.

 

  1. Gabagabada maalintii labaad ayaa waxaa Madasha si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ku bogaadiyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka doorkooda Taakuleynta iyo La-talintooda dawladda Soomaaliyeed ee dejinta iyo maaraynta siyaasado dhaqaale iyo bulsho oo hagaagsan si loo hanto horumar dhaqaale oo waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here