Aqriso: Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo magacaabis sameeyey

0

Ra’iisul wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxaxamed Xuseen Rooble ayuu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ugu magacaabay Mudane Maxamed Xayir Ducaale.

Sidoo kale wareegto kale oo uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri”Ka dib markii uu tixgeliyay soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta u magacaabay mudane Saciid Cabdullaahi Calasow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here