Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii maanta ka dhacay Wisil

0

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyooday weerar ay xoogaga Al-Shabaab saaka waabarigii ku qaadeen xerada ciidamada Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana weerarkan uu ku billowday gaari lagu qarxiyay irridda hore ee xerada.

Ilo ku sugan magaalada Wisil ayaa sheegay in qaraxa gaariga kaddib ay ciidmada Galmudug iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab oo magaalada soo galay, iyadoo labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay wararku sheegayaan dadka geeriyooday waxaa ka mid ah dad rayid ah oo rasaasta iyo madaafiicdu haleeleen iyaga oo jooga guryahooda.

Dad ku sugan magaalada ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha dhimashadu uu intaas ka badnaan karo. Wisil oo istiraatiiji u ah isku socodka Galmudug ayaa ka mid aheyd magaalooyinka ugu amniga badan Galmudug.

Maalmihii u dambeeyey Galmudug ayaa dib u habeyn ku sameyneysay ciidankeedda, iyadoo la sheegay inay u diyaargaroobeyso howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo Jimcihii booqday xerada 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka uu ku ‘boorriyay’ sugidda amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here