Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey safarka madaxweyne Lafta Gareen ee Itoobiya

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Lafta Gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac.

Safarka Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed waxaa ku weheliya Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaarka mid ah agaasinka Xafiiska Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here