Askar badan oo ku geeriyootay shil ka dhacay duleedka degmada Balcad

0

BALCAD (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo xalay ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Shilka ayaa yimid, kadib markii uu rogmaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya.

Gaariga oo ka baxay Muqdisho ayaa ku socday si xowli ah, wuxuuna kusii jeeday dhinaca degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyey waxaa shilkan ku dhintay ugu yaraan illaa 5 askari, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo ka mid ahaa ciidamadii la socday gaariga gadoomay.

Balcad iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus iyo dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan ciidamada dowladda oo halkaas kula dagaalamaya Al-Shabaab.

Si kastaba, shalay ayey aheyd markii qarax miino oo ka dhacay Basra lagu dilay taliyihii Booliska gobolka Banaadir, General Farxaan Qaroole oo howlgal ka waday deegaankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here