Askar ka tirsanaa ciidamada Kenya oo ku dhintay shil diyaaradeed

0

Sarkaal boolis oo Kenyan ah ayaa sheegay in 17 askari ay geeriyoodeen markii diyaarad helicopter ah oo ay ugu safrayeen layli ay ku dhacday duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo darran ayaa laga soo bad-baadiyey goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi, oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira inaan loo fasaxin inuu warbaahinta la hadlo.

Militari Kenya ayaa xaqiijiyey in diyaaradda ay dhacday, hase yeeshee ma aysan bixin faah-faahin. Militariga ma jecla inay shaaciyaan warbixinada khasaare intaas le’eg.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen twitter-ka ay militariga ku sheegeen in hadda uu socdo howlgal badbaadin ah.

Sarkaalka boolis ayaa sheegay in 23 askari ay saarnaayeen diyaaradda, markii ay dhacday subaxnimadii Khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here