Askar ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay gobolka Nugaal

0

GAROOWE (SMN) – Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay, halka lix kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii uu shil galay gaari ay la socdeen ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in shilka uu ka dhacay halka loo yaqaano dalcadda Karin-dhiig ee Gobolka Nugaal.

Sidoo kale askarta ay dhaawacyada soo gaareen ayaa loo qaaday isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe, si halkaasi loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Puntland, gaar ahaan Garoowe ku soo badanayey shilal gaari oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here