Askari ka tirsan ciidamada DF oo ‘labo dhalinyaro ahaa ku dilay’ Beled-xaawo

0

BELED-XAAWO (SMN) -Askari ka tirsan ciidanka dowlada ee kusugan Beled-xaawo lagu eedeeyay inuu dilay laba ka tirsan ciyaartooyda magaaladas, kaddib markii uu rasaas ku furay garoon ay ku ciyaarayeen.

Labada wiil ee geeriyooday ayaa ahaa dhalinyaro magalada laga yaqaano oo lagu kala magacabi jirey Zakariye Axmed Gaarane iyo Sharma’arke Cabdul.

Maamulka degmadaasi iyo saraakiisha ciidanka ayaa soo xiray askarigii geystay dilkaas, waxaana socdo wadahadallo looga xaalayo xalinta arinkaas.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadan, waxaase socda baaritaano dheeraad ah oo ay haatan wadaan saraakiisha ammaanka ee Beled-xaawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here