Askari ka tirsan ciidamada howlgalka ATMIS oo toogasho ku dilay askar kale

0

MUQIDISHO (SMN) – Askari u dhashay dalka Uganda, ayaa toogasho ku dilay 3 askari oo kale oo kawada tirsanaayeen howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dilka ayaa ka dhacay albaabka xerada Alazeera oo ay degan yihiin Ciidamada Uganda ee magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya 6-dii subaxnimo ee maalintii Isniinta.

Sida ay sheegayaan wararka askari oo ahaa sarkaal sare oo xukumayay unug kamid ah Ciidanka Uganda ayaa doogashadda kadib lagu guuleystay in la xiro.

Falkan lagu dilay saddexda askari ayaa yimid kadib muran soo kala dhex-galay askarta iyo sarkaalka xukumayay. Lama oga waxa uu salka ku hayay khilaafka.

Afhayeenka Ciidanka difaaca Uganda Brig Gen Felix Kulaigye ayaa sheegay in askari loo gudbiyay maxkamadda ciidanka UPDF oo ku taalla Muqdisho, gaar ahaan Xalane, islamarkaana la xukumi doono baaritaanka kadib.

Bishii May 13, 2019, dhowr askari oo kamid ahaa AMISOM ayaa isku dilay Muqdisho iyo meelo kale oo katirsan Soomaaliya.

June 2019,  Sarkaal Captain ahaa ayaa dilay saaxiibkiisa kadibna isaga ayaa goobta isku dilay kahor inta aan la qaban.

October 2022, Maxkamad ku taalla Uganda ayaa ka laabatay xukun dil ah oo lagu xukumay labo askari oo dilal ka geystay Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ahaa howlgalka Midowga Africa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here