ATMIS joogitaankeeda oo mudo-kordhin loo sameeyay

0

MUQDISHO [SMN] – Gollaha Ammaanka ee QM ayaa ansixiyay qaraar dib loogu dhigay mudo lix bilood ah dhimista 2,000 oo askari oo katirsan ciidamada ATMIS ilaa 30ka Juun 2023/

Qaraarka 2670 (2022) ayaa yimid kadib dalab ka yimid Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika intii lagu jiray shirkii 11 November.

Gollaha amaanka ayaa ku baaqay in la qaato hab istaraatiijiyadeed oo tartiib tartiib ah, oo loogu fulinayo bixitaanka askarta ATMIS ee  31ka Diseembar ee 2024.

Dhanka kale, Gollaha ayaa ka codsaday dowladd Soomaaliya inay keento warbixin 30ka Abriil 2023, taasoo ay ku jirto qorshe cusub oo ciidankeeda kula wareegayaan mas’uuliyada amniga dalka kahor inta aysan bixinta Ciidanka Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in la qabto shir rasmi ah oo looga hadlayo isbadalka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambeyn 31-ka March 2023, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay gacan dhaqaale ku taageeri doonto Midowga Afrika iyo Soomaaliya taasoo gaaraysa 55-milyan oo doollar si loogu fududeeyo bixitaanka ATMIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here