ATMIS oo boggaadisay howlgalladii lagu qabtay Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad

0

XARARDHEERE (SMN) – Taliska guud ee ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Madaxa howlgalka ATMIS, ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa boggaadiyay guulaha ay gaareen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, isaga oo ugu hambalyeeyay qabashada Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad.

Danjiraha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay dhankooda sii wadi doonaan taageerada looga baahan yahay ee ku aadan xasiloonida Soomaaliya.

“Howlgalka ATMIS waxuu sii wadi doonaa inuu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira” ayuu yiri Souef.

Sidoo lale wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab laga awood roonaaday, isla-markaana dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay u rajeeynayaan amni iyo xasilooni waarta.

“Al-Shabaab way jabeen, inaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed waan sii wadi doonaa inaan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaale” ayuu markale Ergeyga Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan dhul ballaaran laga saaray Al-Shabaab, kadib howlgallo ka dhacay deegaanada maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here