ATMIS oo shaacisay in ay taageereyso ciidanka DF ee la dagaalamaya Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika, gaar ahaan ciidamada UPDF ee ka socdo dalka Uganda ayaa sheegay in dhanka cirka ay ka taageerayaan  ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga rasmiga ah ee ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada UPDF ee ka socdo dowladda Uganda ay sii wadayaan teegeerada ay siiyaan ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo dadka deeganka, si looga adkaado Al-Shabaab.

Sidoo kale ATMIS ayaa boggaadisay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidamada huwanta ee dhaq-dhaqaaqyada ka wada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

ATMIS ayaa dalka u joogto nabad ilaalin, waxayna qayb ka tahay ciidamada shisheeye ee la dagaalamaya Al-Shabaab, kuwaas oo uu howlgalkoodu qaatay in ka badan 15 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here