ATMIS oo war ka soo saartay dil ay ka geysatay Ceelasha Biyaha

0

MUQDISHO (SMN) – Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray dhacdo shalay ka dhacday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, taas oo ay geysteen kolonyo ka tirsan ciidameeda.

ATMIS ayaa sheegtay in mid ka mid ah gawaaridooda uu jiiray wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Faarax Fiidow, kaas oo u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

“Qofka rayidka ah ee markii hore shilka ku dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana markii uu geeriyoonayay  uu ku jiray daryeel caafimaad oo deg deg ah,” ayey tiri.

Sidoo kale taliska ATIMIS ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska wiilka dhalinyarada ah ee geeriyooday, ayada oo shaacisay inay saameyn doonto baaritaano dheeraad ah.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, waxaana tan iyo xilligaas ay sameeyeen koox baaritaanno horudhac ah oo si dhow ula shaqeeya markhaatiyaasha, dowladda iyo maamullada maxalliga ah si ay u baaraan shilkan sida weyn looga xumaado,” ayaa markale lagu yiri warka ATMIS.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here