Axmed Karaash oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga Adduunka

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa qaabilay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya, Marwo Kristina Svensson iyo wefti ay hogaaminayso oo ka socda Bangiga adduunka.

Kulanka waxaa qayb-galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Duqa Magaalada Garoowe waxaana looga hadlay horumarinta iyo sare u qaadista mashaariicda Bangiga adduunka uu ka taageero Puntland.

Gabagabadii weftiga ka socda Bangiga adduunka ayaa kulan la qaatay xafiiska Mashruuca Tayeynta iyo Kobcinta Hay’addaha Dowladda (CIP) waxaana ay warbixin kaga dhegaysteen masuuliyiinta xafiiska CIP ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here