Axmed Madoobe oo daah-furay adeeg daadajinta dowlada hoose

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa daah furay hanaanka Adeeg daadajinta Dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaarada arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisinta Dowlada Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran lahaayeen dadka matalaya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta hoos loo dhaadhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega Dowlada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hanaanka maamul ee dalku uu yahay mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Federaalka ah Dowadaha xubnaha ka ah iyo Dowladaha hoose sidaasna hanaanka adeeg bixintu uu u yahay mid u baahan in lasii dhaadhiciyo oo is kabaya.

Wuxuu sheegay barnaamijka JPLG-gu uu yahay mid wax badan kusoo kordhin doona Jubaland gaar ahaan mashaariicda iyo adeegyada aas aasiga u ah nolosha, iyadoo Dowlada Jubaland ay dhinaceeda qeyb ka qaadanayso sidii uu u hirgali lahaa gaar ahaana Madaxweynahu uu soo dhisayo Xafiiska Wasaaradaha shaqadan qabanaya la shaqayn lahaa.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale  faray Wasaarada arimaha gudaha iyo deeqbixiyaasha barnaamijkan fulinaya inay soo dhisaan golayaasha deegaanka oo lagu bilaabayo Degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hada diyaar u ah iyadoo lagu xijin doono degmooyinka kale si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya oo ayna magacaabis ugu iman.

Ugu danbayntii Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyay Wasaarada arimaha gudaha Federaalaynt iyo dib u heshiisinta shaqadii wanaagsanayd ee ay kasoo qabatay bilowga barnaamijkan taas oo ah mid bogaadin mudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here