Axmed Madoobe oo la shiray guddiga doorashooyinka Jubbaland

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay xubnaha guddiga doorashooyinka maamulkaasi, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Axmed Madoobe iyo guddiisa doorashada ayaa si gaar ah diirada u saaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale labada guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa madaxweyne Axmed Madoobe warbixin gaar ah ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay muddada kooban ee la how-geliyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here