Madaxweyne Axmed Madoobe oo loo diray codsi la xiriira doorashooyinka dalka

0

Qoraal maanta ay soo saareen Guddiga maamulka dooraashada Jubbaland ee SEIT ayaa madaxweynaha maamulkaasi Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uga codsaday inuu soo gudbiyo liiska magacyada xubnaha Gtartarmayo Golaha aqalka saree e barlamaanka soo socdo kuwaasi oo deegaan doorashoodu tahay deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Guddiga oo ilaalinayo jadwalka doorashada labada aqal ee barlamaanka ayaa ku howlan sidii loo ilaalin lahaa in waqtigeeda ay ku dhacdo doorashada ayaana madaxweynaha ka codsaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo gudbiyo gaar ahaan saacadaha soo socdo.

Todobaadkii hore shir jaraa’id ay ku qabteen Magaalada Kismaayo guddoonka Guddiga Maamulaya doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in shan iyo labaatanka bishaan ay bilaabayaan doorashada aqalka sare waana guddiga ugu horeeyay oo ah heer dowlad goboleedka oo iclamiyay waqtiga rasmiga ee la gudaha galayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaan aqalka sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here