Axmed Madoobe oo qaabilay wafdi ka socda beesha caalamka

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocda beesha Caalamka.

Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin  kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in lagu garab istaago oo loo madaxbaneeyo shaqooyinka horyaala taas oo wax badan ka tari karta shaqooyinka socda.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro arimaha kasoo cusboonaday Dowlad Goboleedka Galmudug si ayna caqabad ugu noqon shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala Dowlad Goboleedkaas taas oo ay masuul ka yihiin sharciyadna u leeyahiin maamulka deegaanadaas masuuliyiinta Dowlada  Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here