Baabuur ay la socdeen dad shacab ah oo qarax lagula eegtay gobolka Bakool

0

XUDUR (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Qurac Joome oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca xamuulka qaada, kaas  oo ay la socdeen dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii la socday baabuurka, balse ma cadda tiro ahaan inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale waxa gebi ahaan burburay gaariga la qarxiyay, sida ay muujinayaan muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma jiro dhanka kale wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka Qurac Joome iyo saraakiisha ciidamada oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan qaraxyo khasaare geysta oo qaarkood lala eegto ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ayaa ka dhaca waddooyinka isku xira gobollada Baay iyo Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here