Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Miisaaniyada 2021

0

Kulanka Baarlamaanka maanta oo shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayna wehlineysay Guddoomiye ku-xigeemka 2-aad Marwo Faadumo Cabdi Cali ayaa ajandaha kulanku wuxuu ahaay,

  1. Akhrinta 3-aad iyo Ansixinta Hindise Sharciyeedka Miisaaniyadda 2021.
  2. Bandhigga iyo Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Galmudug.

Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka  oo miisaaniyadda Galmudug dib u eegis ku sameeyay ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka ka codsaday meelmarinta miisaaniydda, waxaana codsiga guddiga kadib xildhibaanadu si caqlibiyad ah u meel mariyeen miisaaniyada Galmudug ee 202.

Ansixinta Miisaaniyada ka dib ayaa waxaa Shirka soo xiray Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in miisaaniyadda ay cod aqlabiyad leh ku codeeyeen Xildhibaannada, waxaana Haa ku codeysay 47 Xildhibaan, ma jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Dhinaka kale Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Galmudug ayaa Baarlamaanka maanta hor keentay Hindise Sharciyeedka Ruqsadaha Ganacsiga Galmudug.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa Xildhibabaannada Baarlamaanka Galmudug u sharxay muhiimadda sharcigaan u leeyahay Ganacsiga Galmudug.

Kulamada soo socda ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ayaa qorshuhu yahay inay meel mariyaan hindise sharciyeedyo cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here