Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey codsi uga yimid Madaxweyne Sciid Deni

0

Xildhibaanada Baarlamaan Puntland ayaa maanta asixiyay iibka dhulka laanta Bangiga degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo u soo gudbiyay Madaxweyne Deni.

Illaa 41 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Puntkand ayaa oggolaaday in la iibiyo dhulkaas, 2 mudane ayaa ka aamusay, wax diidayna ma jirin.

Waa markii ugu horeysay oo hanti dowladeed oo la iibinayo lo soo mariyo Golaha Wakiillada Puntkand, waxaa horey u jiray hanti badan oo la iibiyay, iyadoo aysan oggolaan Baarlamaanka.

Dastuurka Puntland qodobkiisa 52-aad, farqadiisa 3-aad ayaa dhigaysa “Hanti kasta oo qiimaheedu ka yar yahay US$ 50,000 (konton kun US$), waxaa awood u leh Golaha Xukuumadda, wixii ka badan US$50,000 (konton kun US$), waxay u baahanaysaa ogolaanshaha Golaha Wakiillada“.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here