Baarlamaanka Yurub oo taageeray nin Soomaali ah oo lagu xukumay Gariiga

0

LESBOS (SMN) – Muhaajiriin Soomaali ah oo xabsi daa’in ku xukunaa, ayaa kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalka Gariiga si uu racfaan uga qaato xukunkii lagu riday, iyadoo kiiskan ay taageereen koox Xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka Yurub oo sheegay in si qaldan loo xukumay.

Maxamed Hanad Cabdi ayaa lagu xukumay 142 sano oo xarig ah sanadka 2021 ka dib markii lagu helay dambi ah inuu dad muhaajiriin ah uu dooni yar oo ka timid Turkiga ku geliiyay jasiirada Giriiga ee Lesbos sanadkii 2020.

laakiin Maxamed waxuu ku dooday in isaga kaliya ku yimid doonta kadib markii badda dhexdeeda uga tageen koox dadka tahriibiya oo Turkiga u dhashay.

Labo qof ayaa ku dhintay badda markii ay doonida degtay halka 33 kalena la badbaadiyay.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii badbaaday ayaa taageeray hadalka ninka Soomaaliga ah ee ahaa inuu kamid ahaa dadkii laga soo qaadey xeebaha Turkiga oo noloshiisa isagoo badbaadsanaya doonta ku yimid Jaziiradda Lesbos.

Xubin ka tirsan garabka bidix ee Giriiga oo ka tirsan baarlamaanka Yurub, Stelios Kouloglou, ayaa hogaaminaya ololaha dib loo eego kiiska xukunka ninka Soomaaliya.

15 xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa taageeray ololahan xukunka xabsi daa’inka looga badbaadinayo Maxamed, iyaga oo saxiixay warqado cabasho ah oo ku socda mas’uuliyiinta Giriiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here