Balcad iyo Xamarjajab oo xalay ku baratamay tartan aqooneedka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo haatan maraya meel wanaagsan ayaa waxaa xalay ku loolamay degmooyinka Balcad iyo Xamarjajab.

Labada degmo oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Banaadir ayaa waxa ay muujiyeen dagaal xoogan.

Balcad oo guusha ay raacday ayaa heshay 12 dhibcood, halka Xamarjajab ay iyana heshay 8 buundo, waxayna sidaas uga hartay guud ahaan tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku ballansan degmooyinka Boondheere iyo Tiyiglow oo kala metali doono gobollada Banaadir iyo Baay.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here