Banaan-bax looga soo horjeeday TPLF oo ka dhacay magaalada Jigjiga

0

JIGJIGA (SMN) – Waxaa saaka magaalada Jigjiga ka billowday banaan-bax ballaaran oo ay dhigayaan shacabka ku dhaqan magaaladaas oo waddooyinka isugu soo baxay.

Dibad-baxan ayaa waxaa looga soo horjeeday dagaalka Jabhadda TPLF ay ka wado dalka Itoobiya, kaas oo saameyn xoogan ku yeeshay xaaladda waddanka oo dhan.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin erayo ay ku taageerayaan ciidamada dowladda federaalka ee wada howl-galka ka dhanka ah TPLF.

Dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa dhaliyey khasaare xoogan, wuxuuna sidoo kale sababay in dalka oo dhan lagu soo rogo xaalad deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here