Banaanbax ka dhashay dilka Bajaajle oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Banaanbaxan oo ahaa mid kooban ayaa waxuu ka dhacay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho kadib markii askari ka tirsan ciidanka ammaanka uu toogasho ku dilay mid ka mid ah dhallinyarada ku shaqeynta mootada loo yaqaan bajaaj.

 

Shacab ka careysnaa dilka bajaajlaha ayaa xiray isku socodka gadiidka ee Isgoyska Howl-wadaag waxaana halkaasi ay ka dhigeen dibadbax lagu dalbanayay cadaalad.

Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in askar uu dilay wiil dhallinyaro ahaa oo ku shaqeysata mootada Bajaajta.

Wuxuu sheegay in wiilka la dilay uu hooyadiis u waday goobteeda shaqo.

Mid ka mid ah elahada marxuumka oo warbaahinta la hadashay ayaa ka dalbatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay cadaaladda la horkeeno askarigii dilka ka dambeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in darawal kale lagu khaarajiyay isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii askari ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar uu ruux shacab ahaa ku dilay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here