Bandowgii lagu soo rogay magaalada Beledweyne oo dhaqan-galay

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in bandowgii ay xalay soo rogeen laamaha amniga uu ka dhaqan-galay gudaha maagaladasi, kaas oo la xiriira qaraxyadii shalay ka dhacay halkaasi.

Wariyaha Shabelle ee Beledweyne, Cabdishakuur Shaashaa ayaa soo sheegaya in saaka ay haawaneyso magaalada Beledweyne, islamarkaan uusan ka jirin wax dhaq dhaqaaq ah.

Sidoo kale waxaa xiran goobaha ganacsiga, waxbarashada, iyada oo hakad la geliyey isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Bandowga ayaa socon doono illaa muddo 24 saac ah, waxaana magaalada ku sugan ciidamo fara badan oo haatan wada howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah.

Qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Beledweyne ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here