Bangiga Adduunka oo lacag dhan $70 milyan ugu deeqay Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Bangiga Adduunka ayaa sheegay in uu ansixiyay lacag dhan 70 milyan oo doolarka oo loogu deeqay Soomaaliya si loogu horumariyo adeegyada biyaha, beeraha, iyo bulshooyinka reer miyiga ah ee ku nool dhulka engegan.

Mashruuca “Barwaaqo” ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo Soomaaliya ay wajaheyso abaaro isdaba-joog ah oo la arag mudo 40 sano ah iyo cunto yari ka sii daraysa.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucan lagu ballaarin doono Somaliland, Puntland, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed iyadoo lagu kordhin doono labo dowladood oo dheeri ah, kuwaasoo kala ah Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Mashruucani wuxuu biyo siin doonaa 500,000 oo qof, oo u dhiganta ku dhawaad 15 boqolkiiba dadka reer miyiga ah, kuwaas oo hadda helaya adeegyo kooban iyo biyo aan hagaagsanayn.

Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in mashruuca Barwaaqo uu ka taageerayo bulshada si ay u dhistaan nolol wanaagsan iyo la qabsiga isbeddelka cimilada iyada oo la wanaajinayo helitaanka kheyraadka biyaha.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in caqabadaha deegaanka, oo ay uga sii dartay isbeddelka cimilada sannadihii la soo dhaafay, ay sababeen xaalufinta in ka badan rubuc ka mid ah dhulka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here