Bangiga Adduunka oo malaayiin dollar ugu deeqay gurmadka abaaraha dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay 143 milyan oo Doollarka oo Soomaaliya loogu deeqay si loogu caawiyo dadka nugul ee Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha abaarta daran iyo cunto yarida.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sheegtay in dhaqaalahan lagu taageeri doono dadka ugu liita ee abaarta ay saameysay, iyadoo lacag caddaan ah loo wareejinayo 500,000 oo qoys.

Svensson waxay intaas ku dartay in Baanka Adduunku uu garab taagan yahay Soomaaliya, islamarkaana qeyb weyn ka qaadan doono samatabiixnta malaayiinka soo foodsaartay macluusha.

Waa markii ugu horeysay oo Soomaaliya ay yeelato barnaamijka badbaadada bulshada ee dalka oo si degdeg ah loo hawlgelin karo si loo badbaadiyo nolosha dadkan.

Tirada dadka ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo 7.7 milyan oo qof sanadkan 2022, iyadoo tirada sii badan karto hadii aan si deg deg ah wax looga qaban xaaladda abaarta ee taagan.
Maadaama dhowrkii sano ee ugu dambeeyay aan si wanaagsan u di’in roobka, waxay QM ka digaysaa in dalka macluul lamid ah midii 2011 ay ku dhufato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here