Bangiga Dhexe oo shati siiyey bangiyo laga leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay warqadda ogolaanshiyaha siiyey laba banki oo caalami ah, kuwaa oo laga leeyahay dalalka Masar iyo Turkiga.

Maamulka Bangiga Dhexe ayaa sheegay in labada Bangi ee Banque Misr iyo Ziraat Katilim ay mareen hanaan qoto dheer oo socday bilo oo lagu eegayey codsigooda.

“Guddiga Bangiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Bangi ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shityada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda. Labada Bangi waxay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here