Barakac xoogan oo ka billowday deegaanka Garacad ee gobolka Mudug + sababta

0

GARACAD (SMN) – Wararka laga helayo deegaanka xeebeedka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta barakac uu ka billowday qaybo ka mid ah deegaankaasi, kadib markii ay kusoo fatahday Badda.

Biyaha ayaa gaaray inta badna guryo ay daganaayeen dad shacab ah, taas oo keentay in shacabku ay isaga barakacaan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qoysaska ay saameysay fatahaadda ay gaareen meelo kale oo ka baxsan deegaanka, si ay uga fogaadaaan waxyeello kasoo gaartay biyaha Badda.

Garacad ayaa waxaa dhawaan ay Puntland ka hirgelisay deked casri ah, taas oo uu xarigga kasoo jaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here