Barakac xoogan oo weli ka socda magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Xaalad kacsanaan aha ayaa lagu soo warramayaa inay weli ka taagan tahay magaalada Guriceel, halkaas oo ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska horjeedo.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsiga magaalada uu intiisa badan xiran yahay, dadkuna ay weli wadaan barakac, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta xiisaddaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in ciidamada Galmudug oo uu horkacayo guddoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin ay fariisin ka sameysteen deegaanka Hareele oo hoostaga magaaladaasi, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo culus, halka ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay iyaguna saldhig ka sameysteen deegaan dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Ahlu Sunna oo haatan ku sugan Guriceel ayaa iyaguna difaacyo ka sameystay, halka ciidanka Galmudug ay iyaguna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka magaaladaas.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac, waxaase isa soo taraya baaqyada la xiriira nabadda ee loo dirayo madaxda Galmudug iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here