Bargaan oo xalay guul weyn ka gaartay degmada Yaaqshiid

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud iyo degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Bargaan iyo Yaaqshiid oo ku wada jira group-ka C ee wareega labaad ee tartanka ayaa waxa ay guushu raacday tartamayaasha deegaanka Bargaan oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Yaaqshiid oo laga adkaaday, isla-markaana qeybaha dambe ee tartanka ka baxday, kadib markii ay jabisay shuruudaha tartanka ayaan helin wax dhibco ah, halka Bargaan oo guusha la hoyatay ay keensatay 4 buundo, sida uu xalay ku dhowaaqay natiijada guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle, Cabdullahi Cismaan Cadaani

Sidoo kale guddiga tartanka ayaa la filayaa inay caawa ku dhowaaqaan go’aanka laga qaadayo degmada Yaaqshiid, maadaama ay jabisay xeerka iyo shuruudaha u degsan barnaamijka tartan aqooneedka bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here