Bargaan oo xalay tartanka Shabelle uga adkaatay degmada Tiyeeglow

0

MUQDISHO (SMN) – Deegaanka Bargaan iyo degmada Tiyiglow oo ka kala tirsan gobollada Galgaduudiyo Bakool ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Bargaan oo guul gaartay ayaa heshay 10 dhibcood, halka degmada Tiyeeglow ay la timid 4 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddiga tartanka, Cabdullaahi Cismaan Cadaani.

Deegaanka Bargaan ayaa sidaas ugu gudbay wareega saddexaad ee tartanka Shabelle, halka kulan kale uu u haray degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Sidoo kale waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Xamarweyne iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here