Bargaan oo xalay u gudubtay wareega Finalka tartan aqooneedka Shabelle

0

Waxaa xalay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku loolamay deegaanka Bargaan iyo degmada Kaaraan oo ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Banaadir, iyaga oo soo bandhigay tartan xiiso badan.

Labada degmo ayaa aad ugu hardamay barnaamijka, hayeeshee waxa ay guushu raacday tartamayaasha Bargaan oo u gudbay wareeega finalka tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Kaaraan oo laga adkaaday ayaa heshay 6 dhibcood, halka Bargaan oo finalka tegtay ay keensatay 8 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cabdullahi Cadaani oo ah guddoomiyaha guddiga tartan aqooneedka Shabelle.

Sidoo kale waxaa caawa tartanka ku ballansan Warsheekh oo ka tirsan gobolka Sh/ Dhexe iyo degmada Dayniile, waxaana degmada badiso ay tagi doontaa finalka tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here